Dowlada Kuwait oo mashaariic horumarineed ka fulineyso Soomaaliya

Dowlada Kuwiat ayaa u balan qaaday dowlada KMG Soomaaliya in ay ka sameyn doonto dalka mashaariic iyo barnaamijyo horumarineed oo loogu tala galay in lagu caasiwo shacbiga Soomaaliyeed.

Kulan ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo amiirka dalka Kuwiat Sheekh Sabaax Axmed Al Jaabir Al Sabaax ayey kaga hadleen xiriirka labada dal iyo sidi ay Kuwait u caawin laheyd Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kuwait C/qadir Amiin Sheekh oo sidoo kalana ah madaxa safiirada guud ee dalalka caalamka u fadhiya Kuwait ayaa sheeagay in mashaariicda ay loo balan qaaday Soomaaliya ay ku xirantahay hadba sida ay uga soo fakarto dowlada Soomaaliya.

“Labada dhinac waxay ka wada hadleen mashaariic horay u jiray, gaar ahaan waxaa laga hadlay mashaariic Ra’isulwasaaraha horay u keenay oo dabagalkeeduna socday,arintaasi waxa la filayaa in gudi labada dhinac ah loo saarayo, amiirka Kuwiat wuxuu balan qaaday in la fulin doono, run ahaantii mashaariicda way badanyihiin, dowlada Kuwait ayaa waxay leedahay soo diyaariya wixi idiiin daran ee ugu muhiimsan si ay wax uga qabtaan,” ayuu yiri C/qadir Amiin Sheekh oo wareysi siiyey BBC-da.

Dhanka kalana Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la kulmay dhamaan danjirayaasha ku sugan Kuwait ee ka kala socda caalamka, isaga oo uga mahad celiyey sida ay u taageersanyihiin Soomaaliya.

Caawa ayaa lagu wadaa inuu la kulmo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.