Kadib kulama maalimo badan qaatay oo ay yesheen Mas uuliyiinta gobolka limpopa , Iyo ganacsatada soomaalida ,kuwa ethiopia iyo sidoo kale masuliyinta jaaliyada soomaalida koofur afrika ayaa xal laga gaaray dhibatadii ka tagneyd magalada masina ee gobolka limpopo taasi oo aheyd dukamaahii ganacsiga oo ay dowlada albaabada isugu dhufatay
Gudoomiyaha jaaliyada soomaalida koofur afrika Cabdi raxmaan raabi oo gaalinkii danbe ee maanta suxufiyiinta kula hadlayay magalada johannesburg ayaa waxa uu sheegay in sarakiisha iyo masuliyiin dowlada koofur afrika ee gobolka limpopp ay isla meel dhigeen in dib loo furo dukaamaha fanacsiga soomaalida iyo ethiopianka ee mudada dheer xirna si ay mar kale howlahooda shaqa usii wataan
C.raxmaan raabi ayaa sheegay in dukamahan loo xiray sababa la xiriri cabasha ay gudbiyeen dadka madowga ah ee koofur afrika iyagoo ku andacoonaya in howlahoodi shaqa oo ay nolal maalimoodka ka raadsan lahayeen la afganbiyay oo ay dad ka yimid wadama kale la waregen
Gudoomiye Raabi ayaa sheegay in maalinta bari ah la isku af gartay in dib loo furo gabi ahaanba goobaha ganacsiga oo ay xirtay dowlada kuwa oo tiradooda ay gaareysa ila 70 dukaan
Dowlada koofur afrika ayaa mudooyin danbe cadaadis xoogan ku haysay ganacsatada ajaanibta ah ee ka yimada dalalka afrika iyo eeshiya oo ay soomaalida ugu horeysa iyagoo ganacsigooda had iyo jeer baaritaan iyo dabagal ku sameya si ay u ogaadan waxyabaha ay ka ganacsadaan
W/D:Abdirahmaan Muumin(Codeey)
Email:Codeey11@gmail.com
South Africa- Cepe Town
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com