Dowlada KMG Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay hub ay ku qabsatay Al Shabaab

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta kusoo bandhigtay xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho hub iyo gaadiid ay sheegtay in ay ka qabsatay Al Shabaab.

Hubka ay dowlada soo bandhigtay oo lagu casuumay wariyaasha ayaa waxaa uu ka koobnaa rasaasta qeybaheeda kala duwan, sida kuwa fudud, rasaasta qoriga Zuuga, kuwa garneelada iyo madaafiic kale.

Waxa sidoo kale ay tusiyeen saxaafada walxaha qarxa, jaakooyinka gaashaaman, koofiyadaha rasaasta loogaga gabado iyo gaadiid duug ah oo bur buray iyo kuwo la dayac tiray oo ay u adeegsan jireen Shabaabka dagaalada.

Colonel Saneey oo ka mid ah taliska milatariga isla markaana ah taliyaha gaaska labaad ee ciidamada dowlada ayaa sheegay in hubkan ay ku qabsadeen dagaalki ay dhawaan kaga qabsadeen Al shabaab Suuqa Xoolaha iyo Maslax.

Waa saanadi ugu badneyd ee ay ciidanka dowlada KMG Soomaaliya kusoo bandhigaan magaalada Muqdisho oo ay ka qabsadeen Al Shabaab sanadkaan 2012.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.