Dowlada KMG Soomaaliya oo maanta la wareegtay Bacadlihi Xamar Weyne iyo 96 iskuul oo laga saarayo dad xoog ku dagan

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay Bacadlihi Hore ee Xamar Weyne kaasi oo ay si xoog ah ku heysteen dad rayid ah oo u abaabulan hab beeleed mudo 21 sana ah.

Gudi ay dowlada u xilsaartay dib usoo celinta guryihi hore ee dowlada ee la daganyahay oo uu hogaaminayey madaxweyne Sheekh Shariif ayaa tagay dhismaha Bacadlaha kaasi oo laga dareemayo daryeel la,aan inkastoo uusan bur burin.

Madaxweyne Sharif oo kormeerkiisa kadib la hadlay warbaahinta isaga oo dhax taagan Bacadlaha ayaa sheegay in ay tahay arin muhiim ah in dadki daganaa Bacadlaha ay ka baxaan, isaga oo ka codsaday dhamaan qoysaska kale ee dagan xarumaha kale ay isaga baxaan.

Wuxuu amaanay dadki gacanta ku hayey mudada 20-sano isla markaana u balan qaaday inuu siinayo shahaado sharaf oo ay ku buteysteen buu yiri sida ay u dhowreen amaanada qaranka, madaxweynaha waxa uu tilmaamay in cidi loogu taga guryaha dowlada ee soo gacan geliso iyaga oo bad qaba la siin doono shahaado sharaf.

Gabagabadi Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay dowlada gacanta ku dhigi doonto ilaa iyo 96-iskuul oo ay daganaayeen qoysas si sharci darro ah ku qabsday bur burki dowladi hore kadib.

Qorshaha dowlada ee guriyihi hore dib ugu soo ceshaneyso ayaa ka danbeeyey kadib marki dowlada Turkiga ay keentay mashruuc ay ku dhiseyso xarumaha guud ee dadweynaha iyo kuwa qaranka.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.