Dowlada KMG Soomaaliya oo dhacday !!

Waxaa maanta ku ekaa waqtigi Dowlada KMG ah ee Soomaliya oo dalka soo xakumeysay sideedi sano ee lasoo dhaafay.

20-ka August ayaa ah waqtigi loo qabtay dowlada, iyadoona maanta qorshuhu ahaa in la doorto madaxweynaha cusub ee Dowlada cusub ee Soomaaliya, balse taasi aysan muuqan maadaama aanan wali la dooran gudoomiyaha baarlamaanka.

Dib u dhac ku yimid soo xulista baarlamaanka ayaa sababay in ay arrimihu intaan soo gaaraan oo waqtigi ay ku heshiiyeen saxiixayaasha roadmap-ka ay wax ku hagaagi waayaan.

Dowlada KMG Soomaaliya oo uu waqtigeedu dhamaaday waxaa marki ugu horeysay lagu soo dhisay magaalada Nairobi sanadki 2004 markaasi oo madaxweyne loogu soo doortay madaxweynihi hore ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed.

Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa uga danbeeyey xilkaas, waxaana 2009-ki ilaa hada uu Shariif ahaa madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya isaga oo haatana ku jira musharaxiinta ugu cad cad.

Dowlada cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay wax weyn ka badasho xaalada dalka gaar ahaan dhaqaalaha oo aad u bur buray wixi ka danbeeyey 1991-ki oo ay dhacday dowladihi dhexe ee Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha waqtigiisu dhacay ee Soomaaliya Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in dowlada cusub laga sugayo in ay xooga saarto arrimaha dhaqaalaha isla markaana ay la tartanto dalalka gobolka.

Dhaqaalaha Somalia ayaa lagu qiyaasaa sanadkiiba $5.9 billion, halka dalka aynu deriska naha ee Kenya dhaqaalaha soo gala dsanadkiiba lagu sheego $32 billion.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here