Dowlada KMG oo wafdi u dirtay magaalada Garoowe

Wafdi ka socda dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirweynaha ka socda magaalada Garoowe ee lagu ansixinayo dastuurka maamulka Puntland.

Wafdiga oo uu hogaaminayo Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga, C/wahaab Ugaas Xuseen ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah wasiirka tastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil, wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo xildhibaano.

Madaxa wafdigaan C/wahaab Ugaas ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaalkooda magaalada Garoowe kahor inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha Adan Cade.

“Waxaan u baxeynaa Puntland waayo waxaan ka helnay casuumaad, sida aad la socotaan waxaa halkaasi ka jira shirweyne lagu ansixinayo dastuurka”. ayuu yiri.

Dastuurka Puntland oo ka kooban in ka badan 100 qodob ayaa waxaa ansixintiisa u fadhiya 489 xubnood, waxaana munaasabada gaba gabada lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo Garoowe.

 

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.