Dowlada KMG oo wado qorshayaal ay ku caawineyso ganacsatadi ku hanti beeshay dabki Suuqa Boosaaso

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa wado qorshayaal ay ku caawineyso ganacsatada Soomaaliyeed ee ku wax beeshay dabki baabi,iyey suuqa magaalada Boosaaso.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya, C/wahaab Ugaas Xuseyn Ugaas Khaliif oo la hadlay warbaahinta isaga oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dowlada ay wado qorshe ay gacan ku siineyso ganacsatada ay hantidooda ku gubatay suuqa.

Wuxuu sheegay in dowladaha caalamka, gaar ahaan kuwa carabta iyo Islaamka uu hor dhigay dhibaatada soo gaartay ganacsatada reer Boosaaso, kana codsaday shirki Turkiga ee wasiirada ganacsiga caalamka in la taageero ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Boosaaso.

Suuqa Boosaaso ayaa bas beelay horaanti bishaan December, waxaana ku bas beelay hanti lagu qiyaasay malaayiin doolar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.