Dowlada KMG oo ugaarsaneyso dad ku labisan dareyska ciidanka oo shacabka dhaca

Wasaarada arrimaga gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dabagal ku heyso dad ay ku sheegtay in ay magaca iyo awooda dowlada ku dhibaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka, Cabdi Samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin kooxaha ku labisan dareyska ciidanka ee dhaca iyo kufsiga u geysanayo shacabka.

“Kuwa ku qaraabanaya magaca dowlada ee ku qaraabanayo in aan gacan ku qaban doono, ciidamada degmooyinka iyo maamulada waa in ay qabtaan oo ay maxkamad soo gaatan,” ayuu yiri.

C/samad ayaa sheegay in ciidanka dowlada oo kaashanaya AMISOM ay ka saareen meelo badan oo ka tirsan duleedka Muqdisho xarakada Al Shabaab walina ay wadaan howlgalkaasi.

“Waxay ciidamada qalabka sida ku guuleysteen in ay soo xoreeyaan meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya si gobolada Sh/hoose iyo Muqdisho anaga oo kaashaneyno AMISOM, marka qof walba oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inuu amniga wax ka qabto,”

Ciidamada dowlada ayaa lagu eedeynayaa haatan in ay dhac iyo gacma gacmeyn ka bilaabeen deeganadaasi oo ay soo baxayaan dad laga qaatay alaabo, lacago iyo mobeylo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.