Dowlada KMG oo u fasaxday maamul goboleedyada in ay shidaal lasoo baxaan

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku dhiiri gelineyso maamul goboleedyada ka jira dalka in ay qotaan ceelal shidaal hadi ay heli karaan nabad iyo awood u suura gelin karta.

Wasiirka Macdanta, Tamarka iyo Shidaalka dowlada KMG Soomaaliya C/qaadir Dhinbil ayaa sheegay in ay tahay arin lagu farxo in maamul goboleed ka mid ah Soomaaliya uu qoto shidaal, isaga oo tusaale usoo qaatay maamulka Puntland oo deegaanka Dharoor ka bilaabay qodida ceelal shidaal.

“Marka hore umada Soomaaliyeed oo dhan waa in lagu dhiiri geliyo laguna hambalyeeyo kheyraadka lasoo saarayo, waxaa la dhiiri gelinayaa meel walba oo nabad ah oo shidaal laga qodi karo waana wax muhiim ah,” ayuu yiri.

Dhanka kale wuxuu sheegay in maamulka Puntland oo noqday maamulki ugu horeeyey ee ka bilaaba dalka qodista shidaalka mudo 20 sana ah kadib ayuu sheegay in kala bar lacagta kasoo baxdo shidaalka ay heli doonto dowlada KMG Soomaaliya, barka kalana ay leedahay Puntland.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Todobaadkaan ayaa waxaa deegaanka Dharoor ee gobolka Bari laga bilaabay mashruuc shidaal loogaga soo saarayo deegaanada Puntland.