Dowlada KMG oo si dhaqsa ah u bilabeyso wadahadala Somaliland

+Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in sida ugu dhaqsaha badan u bilaabeyso wada hadaladi loo qorsheeyey in ay dhexmaraan Somaliland iyo TFG.

Ra’iusulwasaare C/wali Gaas oo la hadlay raadiyaha ku hadla codka dowlada ayaa sheegay in in mar dhaw bilaaban doono wadahadalada Somaliland iyo Dowlada TFG-da, hase yeeshee muusan qaban maalinta iyo waqtiga.

“Meel fiican aby maryanaa waqti dhawna weay bilaaban doonaan laakin maalinti meeshii iyo magaaladi hada kuuma sheegi karo, laakin waan rajeynayaa in meel fiican ay gaari doonaan wax ku oolna noqon doonaan wada xaajoodka,” ayuu yiir.

Bishii Febraury ee sanadkaan ayaa waxaa labada dhinac ay ku dhawaaqeen in ay yeelan doonaan wada xaajood dhex mara iyaga oo magacaabay gudiyo uga qeybgali doona labada dhinac.

Wada hadalo dhex mara Soomaliland iyo dowlada KMG ayaa loo arkaa in ay bilow u noqon doonto isu soo dhawaansho Soomaaliya iyo maamulka iskiis u dhawaaqay inuu ka go,ay Soomaaliya inteeda kale.

4 COMMENTS

  1. aniga oo ah mohamud ismacil kuna nol dalka koonfur africa waxaan filayaa in aysan wax kabadali karin xasiloonida dalka somalia ku soo biiritaanka somaliland ee ay nabadu ku xiran tahay siyaasiyiinta iyo ganacsada wadan shacabkuna ay garabku siiyaan waayo markasta somaliland wa tii ku soo biirta somalia waa hadii ay ka dhalato dowlad rasmi ah becuase somaliland waa part of somalia xaqna u leh in ay wadankooda nabadka dhigtan waxayna taas ku leeyihii amaan

  2. Yaaaaaa warka isii ma soo debceen somaliland,laakiin awalba waa iska ogaa nolosha in lagu soo qaqabanaayo xagey gaarayaan

  3. somaliland ma aha hal beel oo qura.waa in laga qaybgeliyaa beelaha degaankaas ee aan doonayn in ay ka go’aan somaliwayn wixii shir ah oo la qabanaayo

Comments are closed.