Dowlada KMG oo qabsatay xaafadihi ugu danbeeyey ee Muqdisho

Ciidanka dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay dagaal kula wareegay xaafadihi ugu danbeeyey ee ay Al Shabab kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Meelaha ay qabsadeen ciidamada dowlada waxaa ka mid ah xaafada Suuqa Xoolaha ilaa iyo Xeradi Maslax, Qabuuraha Barakaat ilaa qeybaha waqooyi ee jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha guutada madaxtooyada C/laahi Cali Canood ayaa xaqiijiyey in ay ka saareen Al Shabab goobihi ay kaga danbeeyeen magaalada Muqdisho, isaga oo intaasi raaciyey in ay hada fariisin ka sameysteen xerada Maslax.

Dad goob joog ah ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay haada joogaan deegaanka Darmoole ee duleedka magaalada Muqdisho oo ah wadada loo aado degmada Balcad.

Waxaanan la ogeyn qasaaraha dagaalka, waxaana wali meelaha qaar laga maqlayaa rasaas soo dhaceyso.

Degmada Dayniile oo ay Al Shabab heysteen ayey ciidamada dowlada iyagana sadex jiho ka galeen, balse wali Al Shabab ayaa kaga harsan meelo meelo.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.