Dowlada KMG oo qabsatay garoonka KM-50

Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa saakay la wareegay garoonka diyaaradaha Namber 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib weerar ku qaadeen.

Dagaal kooban ayaa lagu soo waramayaa inuu dhexmaray ciidamada is garabsanaya iyo dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo halkaasi ku sugnaa, waxaana weerarka uu ahaa mid kadis ah.

Taliye ku xigenka ciidanka milatariga Dowlada KMG Soomaaliya, General Gacmadulle ayaa xaqiijiyey in ay qabsadeen garoonka NO:50 isaga oo sheegay in howlgal ay kasoo bilaabeen xerada Laanta Buuro ay ku gaareen halkaasi.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa bilooyinki dhawaa sii balaarinayey dhulka ay ka qabsanayaan Al Shabaab, horay waxay usoo qabsadeen deegaanada loo barakacay, degmada Afgooye, iyo Laantabuur oo dhamaan ka tirsan Shabeelaha iyo degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here