Dowlada KMG oo maanta bilowday la wareegida hantida qaranka

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u bilowday ka saarida dadka rayidka ah guryahi hore ee qaranka ee ay lahaan jirtay dowlada Soomaaliya.

Maanta ayaa waxaa ku ekaa mudo 12 maalin ah oo uu madaxweynaha Soomaaliya u qabtay dadka in ay uga baxaan xarumaha dowlada ee ay daganyihiin, iyadoo hadalkaasina uu uga dhawaaqay kulan ay madaxda dowlada iyo gudo loo xil saaray ka saarista shacabka ee guryaha dowlada isugu yimaadeen 25-ki bishi hore.

Dhismooyinka ay maanta dowlada la wareegtay waxaa ka mid ah Gurigii Hooyooyinka oo ay daganaayeen qoysas fara badan iyo sidoo kale mid ka mid ah idaacadaha xiligaan ugu caansan Muqdisho ee Radio Kulmiye.

Waxa sidoo kale ay dowlada saakay dib u hanatay xarunti hore ee Jaamacada Umada oo iyana hooy u aheyd dad qabsaday marki ay dhacday dowladi hore ee Soomaaliya sanadki 1991-ki.

Howlgalka looga saaray dadkaasi ayaa waxaa hogaaminayey saraakiil ka tirsan ciidamada booliska waxaana goob joog ka ahaa xubno heer wasiir ah oo ka mid ah gudi ay dowlada Soomaaliya u saartay.

Wali waxaa dhiman guryo badan oo ku yaala Muqdisho degmooyinka ay ka koobantahay kuwaasi oo laga yaabo in dadka dagan qaar ay sameeyaan madax adeeg sida uu horay u sheegay wasiirka arrimaha gudaha oo ugu hanjabay in xitaa ay la dagaalami doonaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. WAAD SALAAMAN TIHIIN WALAALAHAYGA BAHDA WEBSITE MIDNIMO IYO DHAMMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED INTA SAMA KA TALISKA AH.
    WAA ALLAAH MAHADDII MAR HADDII LABAATAN SANO KA DIB IN BADAN OO DADKEENNA KA MID AH AY GARTEEN IN HANTI GUUD EE DADKA U DHEX AH DAWLADDA LAGU WAREEJIYO WAANA BILAW FIICAN.
    QIIMAHA DAWLADNIMADA AYAA DADKEENNU GARTAY ! ! !
    DADKAA XILKASNIMADA MUUJIYEY MEEL FIICAN DAWLADDU HA DEJISO .
    “SHIMBIRTUBA AROOS AY ILA XIDHOO AMMAANA AY UBADKEEDA SEEXISAA !! ”
    WA BILLAAHI TAWFIIQ

Comments are closed.