Dowlada KMG oo la wareegtay dekada Ceelmacaan ee Gobolka Sh/dhexe

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay dakada macmalka ah ee Ceelmacaan ee gobolka Sh/dhexe kadib weerar ay maanta ku qaaday.

Dagaalo maanta ka dhacay halkaasi ayey ciidamada dowlada oo kaashanaya AMISOM ku qabsadeen deegaankaasi oo ah goob istaraatiiji ah iskuna xira Muqdisho iyo wadada xeebta marto ee aada gobolka Sh/dhexe.

Sareeye guuto Cali Cosoble Caraaye (Gacmadulle) oo ah madaxa hogaanka howgelinta ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale ay ka saareen Al Shabaab deegaanada kala ah, Galgalato, Ceelcade, garoonka Cisileey oo uu sheegay in ay ku dhuumaaleysaneeyn.

“Cadawga waxaan ka xoreynay, Galgalato, Ceelcade, Cisiley iyo Dakadi Ceelmacaan, meelahaasi ayey ku dhuumaaleysanayeen, waxaan howlgalkaasi waxaan uga dilnay Al Shabaab 11 dagaalka ku jirtay 3 ka mid ah nolosha ayaa lagu qabtay waana soo bandhigi doonaa,” ayuu yiri.

Ma jirto wax war ah oo kasoo saareen Al Shabaab dagaalkaasi ay ku lumiyeen deegaanadaasi ku yaala gobolka Sh/dhexe balse aad ugu dhaw magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.