Dowlada KMG oo ka warbixisay dadki lagu soo qabtay howlgaladi maalmahan ka socday Muqdisho


Taliyaha laanta danbi baarista ee ciidanka booliska dowlada KMG Coll:  C/llaahi Xasan Bariise ayaa ka warbixiyey dad lagu qabtay howlgalo balaaran oo ay ciidamada dowlada ka sameeyeen demooyin ka tirsan Muqdisho.

Jen. Bariise ayaa sheegay in howl galada ay ahaayeen kuwo ammaanka lagu xaqiijinayay, isagoo xusay in ragga la qabtay ay yihiin kuwo ka tirsan Shabaab oo aan wax shaki ah ku jirin.

“Howl galada beryahan waxay ka socdeen magaalada, waxaana lagu xaqiijinayay ammaanka, xubno Shabaab oo saraakiil iyo dagaalyahano ah ayaa lagu soo qab qabtay”ayuu yiri Jen. Bariise

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka la soo qab qabtay la geyn doono maxkamad, waxaana uu xusay inay jiraan dad la sii daayay oo lagu waayay dambiyo.

Hadalkan ka soo yeeray Taliyaha hogaanka dambi baarista ee CID Jen. Bariise ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay howl galo wada jir ah ay ka wadeen magaalada Muqdisho ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom, kaasoo lagu soo qab qabtay boqolaal ruux ah