Dowlada KMG oo dishay rag isku qarxi rabay madaxsha shirka ansixinta dfastuurka

Wasiirka arrimaha Soomaaliya, C/samad Macalin Maxamuud ayaa xaqiijiyey in la dilay laba nin oo rabtay in ay isku qarxiso xarunta uu ka socdo shirka ansixinta dastuurka ee magaalada Muqdisho.

Labada nin oo sida la sheegay isku soo xiray aaladaha qarxa ayaa soo qaatay kaararka ay ku galaan ergooyinka shirka, hase yeeshee markiiba ay fahmeen ciidamada oo xabado ku furay.

Mid ka mid ah ayaa marbiikab banaanka ku qarxay, halka ka kalana isaga oo dhaawac ah uu is qarxiyey.

Wali lama oga in qaraxyadaasi oo ka dhacay banaanka hore ee Iskool Buluusiya gaar ahaan aaga lagu ciyaaro kubada cakta ee Isbartiibada ay qasaro geysteen iyo in kale.

Qudbad uu u jeediyey ergooyinka ayuu wasiirka arimaha gudaha ugu baaqay ergada in ay is dajiyaan isla markaana ciidamada ay sugayaan amnigooda, isaga oo ugu baaqay in ay ansixiyaan dastuurka.

“Waad arkeysaan amaanka sida ay ciidanka u sugeen, Muqdisho amaankeeda wuu suganyahay inkastoo ay adagtahay in la aqabto qof naftiisa dilayo hadana ciidamada waxay ku guuleysteen in ay arintaasi xakameeyaan, waxaan idinku boorinayaa in barnaamijki aad bilowdeen ee aad doodaha badan ka sameysyeen in maanta si geesinimo leh usoo gaba gabeysaan isla markaana ansixisaan dastuurka,” ayuu yiri.

Wali ma jirto cid sheegatay in ay ka danbeysay weerarkaasi la rabay in lagu qaado shirka dastuurka oo la filayo in maanta la ansixiyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here