Dowlada KMG oo fal wuxushnima ah ku tilmaantay dilki wariye Canshuur

Dowladda Soomaaliya ayaa aad u cambaareyneysa dilkiiAxmed Caddow Canshuur, oo ahaa wariye ka tirsan iddaacada Shabelle kaas oomaanta ay rag aan la garaneyn ku dileen agagaarka suuq Boocle ee degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dilka Wariyaha loo geystay.

“Waxaan aad uga xun nahay dilkii wariye Axmed Caddow Canshuur, oo ahaa mid qofaad looga yaqaan saxaafada Muqdisho sumcad weyna ku lahaa.”ayuu yiri.

Wasiirka wuxuu ku daray, “Dowladda waxay aad u cambaareyneysaa dilkaa wuxuushnimadaah ee lagu waayay naf wariye qaali ah,” taas oo ka dhigeysa wariyihii lixaad eesanadkaan lagu dilo dalka, oo ay idaacadda Shabelle ku waysay wariyihii labaad.

Axmed waa qofkii ugu danbeeyay oo falal danbiyeedka noocaan ah lagu dilay,iyadoo ay ku jiraan maamuleyaal, madax idaacadeed iyo xubne kale oo bulshadarayidka ka tirsan. Weerarka lagu hayo saxaafada iyo dadka waxtarka u lehbulshada waa mid u dhigma kan lagu hayo dowladda sababtoo ah waxay dadkaasyihiin qeyb laf-dhabar u ah horumarka nabadda iyo guusha ay magaaladda Muqdisho ku tilaabsatay bilihii la soo dhaafay.

Dowladda waxay tacsi u direysaa qoskii uu ka tagay marxuumka. Dowladda waxaa kago’an in ay baarto oo xaqiijiso in danbiilayaasha la hor keeno maxkamad sharci.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.