Dowlada KMG oo diyaarineyso weerar ay ku qaado degmada Balcad

Kadib marki ay dhamaadki bishi May ay la wareegtay degmada Afgooye ayey dowlada KMG Soomaaliya oo kaashneyso AMISOM haatan ku wajahantahay degmada Balacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo wareedyo ku dhaw saraakiisha dowlada ayaa sheegayaya in haatan ay isu diyaarinayaan duulaan ay ku qaadaan degmada Balcad oo ay gacanta ku heyso xarakada Al Shabaab.

Gaadiidleyda ka shaqeyso wadada isku xirto Muqdisho iyo Jowhar ayaa u sheegay Midnimo.com in wadada laga dareemayo saan saan colaadeed iyo xiisad iyadoo meelo kala duwan oo wadada ah lagu arkayo Al Shabaab.

Degmada Balcad oo 30-km qiyaasti kaga beegan magaalada Muqdisho dhanka waqooyi ayaa ah meel istaraatiiji ah, waxaana ku taala xero milatari oo lagu magacaabo Hiilweyne.

Ciidamada AMISOM ayaa horay u sheegay in howlgalkooda koowaad uu kusoo xirmi doono magaalooyinka Afgooye iyo Balcad oo ku yaala labada wado ee laga soo galo magaalada Muqdisho.

Dagaalyahno ka tirsan Al Shabaab oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe, Sheekh Yusuf Kabakutukade ayaa maalmahanba ku sugnaa degmada Balcad iyo deegaanka garas Bintow halkaas oo ay difaac dhigteen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.