Dowlada KMG oo beenisay in ciidamo British ah joogaan Soomaaliya

Wasaaraga gaashaandhiga Somalia ayaa beenisay in ay joogaan Soomaaliya ciidamo ka tirsan milatariga Ingiriiska.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warka sheegaya in ciidamo Brtish ah joogaan Magaalada Muqdisho ama hareeraheeda, xilli warbaahinta Ingiriiska ay soo bandhigeen cadeymo sax.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise oo la hadlay raadiyaha kuhadlo codka dowlada ee Radio Muqdisho, ayaa sheegay in ciidamada jooga ay yihiin kuwo tababaro siiya ciidamada AMISOM.

“Waxaan u maleynayaa in is faham daro uu dhacay, ma jirto Ciidan halkan jooga, waa tababariyaal taageeraya Ciidamada AMISOM, waxaa la yaabay sida The Times iyo kuwa kale aniga i dhaheen waa la socdaa”ayuu yiri.

Dhawaan ayaa wasaarada difaaca Britian xaqiijisay in ciidamo ay ka joogaan magaalada Muqdisho kuwaasi oo ilaaliyo saraakiil Ingiriis ah oo la shaqeeya ciidamada Amisom isla markaana tababaro siiya.

Wargeysyada Ingiriiska kasoo baxa qaar ayaa soo daabacay sawirada ciidamo British ah oo ku sugan degmada Afgooye isla markaana la ciyaaraya caruur Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here