Dowlada KMG oo bandow kusoo rogtay gobolka Sh/hoose

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa bandow kusoo rogtay degmada Afgooyee iyo deegaanada kale ee ay haatan ka maamulaan gobolkaasi.

Gudoomyaha gobolka Shabeelaha Hoose, C/qadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in bandowga uu bilaaban doono habeen kasto 6:00 maqribnimo isla markaana soo gaba gaboobi doono 6:00 subaxnimo.

“Waxaa go,aan lagu gaaray in ciidan roonda ah la sameeyo  iyo in jidadka soo gala magaalada Afgooye si wanaagsan loo baari doono, gaadiidka ka yimaada koonfurta waxay seexan doonaan Mukayga, kuwa ka yimaada Muqdisho waxay seexan doonaan Baar Ismaaciil amaankoodana waa la sugi doonaa,” ayuu yiri.

Sababaha bandowga loo geliyey wuxuu ku sheegay arimo la xiriira xaga amaanka kadib marki shalay degmada Afgooye lagu weeraray gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa.

Dowlada KMG ayaa dhawaan la wareegtay magaalada Afgooye iyo deegaanada kale ee ku hareereysan sida Ceelasha Biyaha iyo Lafoole.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.