Dowlada KMG iyo Somaliland oo u gogol xaaraty wada hadalo dhex mara labada dhinac

Iyadoo dhawaan Somaliland magacawday gudi wakiil uga noqon doono wada hadalo ay la galaan dowlada KMG Soomaaliya, ayey dowlada KMG iyaduna sheegtay in ay ku dhawaaqi doonto gudi kaas la mid ah.

Hadal uu ka jeediyey Madaxweyne Shariif xarunta maamulka gobolka Banaadir ayuu ku sheegay in dhawaan uu magacaabi doono gudi gaar ah oo wada hadalo la galo maamulka Somaliland.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa u digay koox siyaasiyiin ah oo uu sheegay in danahooda gaarka ah ee siyaasadeed ay ku qasayaan amniga guud taasi oo uu sheegay in aysan aqbali doonin isla markaana gacan bir ah lagu qaban doono.

Dhanka kale Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay wada hadalada ay la yeelan doonaan dowlada KMG Soomaaliya.

C/llaahi Maxamed Dahir Cukuse Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu magacaabay Gudigan isagoo fulinaya go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee Bishii Febraayo lagu qabtay.

“Gudigan waa shan xubnood ka tirsan golaha wasiirada, shanta wasiir waa gudi farsamo madaxweynaha isagoo fulinaya oo ku qanacsan qodobkii ka quseynayay go’aamadii shirkii Ingiriiska arrimada soomaalida in Soomaaliya iyo soomaaliland wada hadlaan qodobka aan daneynayay ayuu magacaabay, axdiga aan galnay isagoo ku qanacsan wuxuu qaatay qaraar ah ayuu magacaabay gudi farsamo waxay tagayaan London hadii eebe idmo”ayuu yiri Afhayeenka Somaliland.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Gudigan farsamo ay ka shaqeyn doonaan qaabkii loo diyaarin lahaa wada hadalada, isagoo xusay in wali mowqifkooda ay taagan yihiin oo ah inay yihiin dal jira oo madax banaan.

Wada hadaldaasi ayaa hadii ay miro dhal noqdaan waxaa dhici kasta in Somaliland lagu qanciyo in ay ka laabato go,aankeeda ah gooni u goosadka.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com