Dowlada KMG ay dibada u qaadeyso dhaawacyada Qaraxi Baydhabo

Wasaarada caafimaadka Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gar gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah u fidin doonto dadki ku dhaawacmay  qaraxi todobaadkan ka dhacay magaalada Baydhabo.

Wasiiru dowladaha wasaarada caafimaadka, Maxamed Cumar Maxamuud ayaa u sheegay wariyaasha in ay warbixin ka sugayaan gudi soo qiimeeya xaalada dhaawacyada, isla markaana inti daran ay xukumada ka kala tashan doonaan sidi dibada loogu qaadi lahaa.

“Warbixinta marka naloo soo gudbiyo markaas ayey wasaarada daraasad sameyneysaa waxana markaasi aan qaadi doonaa inti daran ee dhaawacyada ah, wixi dalka lagu daweyn karana halkaan ayaan ku dabiibi doonaa,” ayuu yiri.

Wasaarada caafimaadka ayaa horay u qaaday dad dhaawacyo halis ahi kasoo gaareen qaraxyo ismiidaamin oo Muqdisho ka dhacay sadexdi sano ee lasoo dhaafay.

Qaraxi Baydhabo oo lala eegtay Suuqa Qudaarta ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 10 ruux oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 15.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.