Dowlada Kenya oo saxiixday heshiis u ogolaaday in ay si rasmi ah ugu biirto howlgalka AMISOM

Dowlada Kenya ayaa shalay saxiixday heshiis u ogolaaday in si rasmi ah ay ciidankeedu ugu biiraan howlgalka nabadilaalinta ah ee Midowga Africa ka wadaan Soomaaliya.

Kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Africa wasiirka gaashaandhiga Kenya Yusuf Xaaji iyo madaxa Amaanka iyo Nabadgalyada AU Ramtane Lamamra ayey ku saxiixeen heshiiska.

Hadal uu wariyaasha ku siiyey xarunta shirka ka dhacay ayuu wasiirka gaashandhiga Kenya ku sheegay in ay hada kadib ka midyihin howlgalka AMISOM.

“Waanu soo gaba gabeeynay habki aan sida rasmiga ah ugu biireynay AMISOM, hada si kaamil ah oo buuxda ayaan uga mid nahay AMISOM, ciidamada Kenya waxay sii wadayaan howlgalka,” ayuu yiri Yusuf Xaji kadib marki uu saxiixay heshiiska.

Wasiirka gaashaandhiga Kenya ayaa carabaabay marki ugu horeysay tirada ciidamada Kenya ee jooga Somaaliya oo uu ku sheegay 4,631, waxana bartilmaameedkooda koowaad ee hada ku tilmaamay magaalada dakada leh ee Kismaayo.

“Aad ugama fogin Kismaayo laakin ma dhihi karno waqtigaas ayaad qabsan doontaan, Al Shabaab waan jebinay waxaana haatan lumay qaabkoodii hogaamineed ee xaga milatariga laakin wali canaasir ka tirsan ayaa harsan, waxaan rajo ka qabaa maalinta ugu danbeyso ee howlgalka Amisom in ay noqon doonto maalinta ugu danbeysa ee soo afjarida dagaalada Soomaaliya,” ayuu yiri Yusuf Xaaji.

Madaxa amaanka iyo nabadgalyada AMISOM ayaa isna ka codsaday beesha caalamka in ay taageero maaliyadeed iyo mid milatariba siiso AMISOM, isaga oo si gaar ah uga dalbaday Qamara Midoobay.

Taangiyada AMISOM ayaa u talaabay xadka Soomaaliya bishi October, waxaana todobaadki hore ay qabsadeen magaalada Afmadoow.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.