Dowlada Kenya oo markaan usoo jeesatay Gurayaha Soomaalida

10262048_708484312527271_2867544295736288042_nWasaarada Arimaha Gudaha Doowlada Kenya, ayaa soo saartay amar ah in xog laga ururiyo dadka guryaha kireeysta, kaas oo milkiileyaasha halis u galinaya inay si muddo gaaban ah ku waayaan guryahooda iyo dakhliga ka soo gala kirada, wuxuuna abuuray xaalad uu macluumaadka muhiimka ah ee dadka ugu gacan-gali karo dad aan loogu talo galin.

Amarkaan kasoo baxay wasaarada Arimaha Gudaha Kenya, ayaaxukuumadda awood u siinaya inay la wareegto dhismeyaasha ganacsiga iyo kuwa la dego oo looga shakiyo inay hoy u ahaayeen dambiileyaasha, sida uu sheegay Xoghayaha Xukuumadda ee Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadda Qaranka Joseph Ole Lenku.

“Amnigu wuxuu yahay lagana rabaa inuu noqdo mas’uuliyad la wadaago,” ayuu Lenku u sheegay Sabahi. “Si aan qof walba ugu waajibinno inuu qaado mas’uuliyaddan, waxaan ka bilaabeeynaa milkiileyaasha oo aan ka dooneeyno inay macluumaad ka qaadaan qof walba oo guri kireeysanaya oo ay u oggolaadaan inuu dago guryahooda.”

Wuxuu sheegay in bilaysku ay dhib kala kulmeen baadhitaanno ay ku sameeynayeen dhismeyaasha la tuhunsan yahay inay joogaan dambiileyaal. Haddii ay tuhmaneyaashu baxsadaan, kaba soo qaad, milkiileyaashu inta badan ma awoodaan inay bixiyaan macluumaad waxtar leh oo lagu raadiyo.

“Tani waa ay soo afjarmaysaa hadda waayo uma oggolaaneeyno milkiileyaasha inay kiro urursadaan oo kaliya, halka ayan imika wax dan ah ka yeelan dhaqdhaqaaqyada ka socda dhismeyaashooda,” ayuu yidhi.

Sida uu dhigayo amarka, oo la shaaciyay 7-dii April, milkiileyaasha waxaa looga baahan doonaa in dadka ay guryaha ka kireeyaan ka ururiyaan macluumaad shakhsi ahaaneed, sida nuqullada dukumentiyadooda aqoonsiga, macluumaadka meesha laga helo dadka ehelkooda ah iyo macluumaad ku saabsan shaqadooda.

“Tani waxay noqonaysaa waajib mana jirto waddo labaad oo loo marayo. Kuwa isku daya inay ismoogaysiiyaanna, ha duceeystaan [hana rajeeyaan] in wax laga shakiyo aysan ka dhicin dhismeyaashooda,” ayuu yidhi Lenku. “Dhanka kale, waxaan amri doonnaa inay dadka wax kiraysta ay sidoo kale xog dheeraad ah ka og yihiin milkiileyaasha ay wax ka kireeystaan.”

Wuxuu sheegay in marka tuhmane lala xidhiiidhiyo dhisme, ay bilaysku ku dhawaaqi doonaan in dhismahaasi uu yahay goob dambi iyadoo dhismahana la hoos geyn doono maamulka xukuumadda illaa inta laga soo qabanayo dhammaan tuhmanayaasha lala xidhiidhiyay dhismaha.

Inta lagu jiro xilliga u dhexeeya, xukuumaddu waxay maamulaysaa oo lacagta kirada ka ururin doontaa dadka ijaarka ku deggan illaa laga soo xidhayo tuhmanayaasha oo dhan lagana soo afjarayo baadhitaannada, ayuu yidhi.

Caqabadaha hortaagan fulinta amarka

Halka ay milkiileyaasha qaarkood soo dhoweeyeen dadaalkan cusub inuu yahay hab lagu hagaajinayo amniga, ayaa qaar kale waxay muujiyeen walaac la xidhiidha inuu noqon doono mid aan sahal lagu fulin karin oo sidoo kale laga yaabo inuu ku xadgudbo sirta dadka.

Stephen Mutoro, oo ah madaxa sare ee Isutagga Kenya ee Iskaashatooyinka Guryaha, ayaa sheegay inay xukuumadda la gudbooneeyd inay marka hore qorto sharci ku waajibinaya milkiileyaasha inay xogta noocaas ah ka ururiyaan dadka ay wax ka kireeyaan inta aysan isku dayin inay fuliso.

“Marka laga hadlo amniga, Kenyan waliba wuxuu rabaa in amni-darrada laga adkaado,” ayuu u sheegay Sabahi. “[Laakiin] fulinta amarrada noocaas ah ma sahlanaan doonto. Waxaa ka imanaya mucaarad [badan], oo ay ka mid tahay inuusan ku saleeysneeyn wax sharci ah.”

Xoghayaha Guud ee Ururka Kireeystayaasha Magaalooyinka Ephraim Murigo ayaa soo dhoweeyay fikradda, isagoo sheegay inay keenayso korodh ku yimaada isdhexgalka iyo isbarashada milkiileyaasha iyo kireeysteyaasha.

“Isdhexgalku wuxuu horseedayaa is-weydaarsiga xog aad muhiim ugu noqonaysa baadhista iyo ka-hortagga jariimooyinka, kaas oo markaas xoojinaya dagaalka ka dhanka ah amni-darrada dalka,” ayuu u sheegay Sabahi.

Hase ahaatee, Murigo wuxuu sheegay inay u badan tahay in xukuumaddu caqabado kala kulanto fulinta amarka.

“Amarkan waxaa loo fasiri karaa inuu faragelin toos ah ku yahay xuquuqda hantida ma guurtada ah iyo tan sireed, taas oo saameeyn xun ku yeelaneeysa lahaanshaha guryaha iyo maalgashiga,” ayuu yidhi.

“[Kireeysteyaashu] waxay daneeyn doonaan inay ogaadaan halka ay milkiileyaashu ku kaydin doonaan xogtan, iyo cidda ay la wadaagi doonaan macluumaadkaas,” ayuu yidhi. “Haddii aan shuruuc cad loo dejjin kaydinta iyo helitaanka macluumaadka, waxaa looga guuleeysan karaa jidka ah in laga yaabo inuu dayaco macluumaadka khaaska ah ee dadka marka ayan milkiileyaashu ka taxaddarin.”

Magdaline Omare, oo ah milkiilaha guryaha Imani oo ku yaala Langata, ayaa ugu baaqday xukuumadda inay sameeyaan olole wacyi-gelin guud ah oo lagu hubinayo inuu qof waliba ka qeyb qaato fulinta amarka.

“Xukuumaddu waa inay qof walba ku wacyi-galisaa baahida loo qabo in la aqbalo amarkan inta aysan bilaabin inay nagu amarto inaan macluumaad ka soo ururinno kireeysteyaasheenna,” ayay Omare u sheegtay Sabahi. “Shacab xog-ogaal ahi wuu u dhago-nuglaanayaa amarka, taas oo meesha ka saareeysa inaan bilaash isugu dhacno annaga iyo ayaga,”

Omare ayaa sidoo kale ka cabatay muddada loo qabtay inay milkiileyaashu ku addeecaan, iyadoo sheegtay inay u baahan yihiin ugu yaraan labo bilood oo ay macluumaadka oo dhan kaga soo ururiyaan dadka wax ka kireeysta.

Kireeystayaasha oo dareen kala duwan ka muujiyay

1459775_708484609193908_3216586791611693717_nMoses Omondi, oo ah 40-jir meel baaburta lagu dhaqo ku leh Ongata Rongai oo ku taala duleedka Nairobi, ayaa sheegay inkastoo uu amarka cusub ku xad-gudbi karo xaqa sireed ee kireeysteyaasha, haddana in la isku qaadi karo.

“Waxaa la joogaa waqtigii aan wax u huri lahayn amniga dalkeenna,” ayuu yidhi Omondi. “Macno ma sameeyneeyso inaan haysanno xaqeenna sireed iyadoo ay maalin walba weerar nagu hayaan dambiileyaal xorriyad meel walba ku mara.”

“Kireeystayaasha iyo milkiileyaasha labaduna waa inay si buuxda u taageeraan; kuwa ka soo horjeeda waxaa khasab ah inay wax laga shakiyi karo qarinayaan. Amarkani wuxuu noo wanaagsan yahay dal ahaan,” ayuu yidhi.

Omondi, oo kiro ugu jira guri saddex qol ah, ayaa sheegay in milkiiluhu uu horeba ka bilaabay inuu macluumaad ka ururiyo dhammaan kireeystayaasha dhismaha deggan.

Laakiin inkasta oo uu soo dhoweeyay dadaalka, wuxuu ku baaqay in la sameeyo sharciyo ilaalinaya macluumaadka khaaska ah ee kireeysteyaasha, sida in dambi laga dhigo inay milkiileyaashu cid kale la wadaagaan xogtooda.

Peter Kamau, oo tagsiile ka ah degmada Hurlingham ee Nairobi, ayaa qorshaha ku tilmaamay mid ay xukuumaddu hawl-fududeeysi ka dhiganayso, taas oo uu sheegay inay culayska amni-sugidda ugu rogeeyso milkiileyaasha.

“Ma jirto hab ay xukuumaddu inta soo kacdo ay dhisme ugula wareegi karto sababta oo ah milkiilaha ayaan ka caawin bilayska inay qabtaan dambiileyaal ka hawlgalayay dhismahooda,” ayuu u sheegay Sabahi. “Waxay wajahi doonaan dagaal sharci oo weyn marka ay isku dayaan inay la wareegaan dhismeyaasha oo aan ka hor nimaano.”

Kamau, oo guri uu la deggan yahay xaaskiisa iyo labadiisa caruur ah ka kireeystay Kileleshwa, ayaa sheegay in amarku uu ku qasbayo kireeystayaasha inay dhiibaan macluumaad khaas ah oo aad u badan.

“Macluumaadka sida cinwaanka, lambarrada taleefannada, emailka iyo sheegista goobta shaqo ama ganacsiga uu qofku ku jiro waxay ku jiraan macluumaadka ugu xasaasisan, taas oo [qaar badan], oo aan ku jiro, aysan oggolaaneeyn inay sahal ku bixiyaan maadaama ay tahay sir baxday,” ayuu yidhi.

Xigasho: Sabahionline

1 COMMENT

  1. Been abuur…

    Maqaalkaan dadka qorey ma jaajuusinta ingiriiska joogta ee Soomalida ka been abuurta, si hoose-na wararka uga duubo ogaal alaantooda..gar ahaan goobaha ay isugu yimaadaan oo ay ku sheekeystaan…Cidii arintaasi lagu qabtaa waalala xisaabtami doonaa ha ogaato.. mar aan fogeyn..

    Waa inaad joojisaan tuuganimadda. iyo weliba sida xatooyadda ah ee aad soomalida wararka uga duubtaan iyagoon aan ogeyn…arintaan waxay dhalisay tuhun weyn iyo in cidii lagu arko ayadoo si jaajuusinimo u duubta wararka.. lala xisaabtaamidoono…hadii aysan waxba ka qaban dowladda uk..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here