Dowlada Kenya oo ku dhowaaqday in ay qabsatay magaalada Kismayo

Magaalada Kismayo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa ka soconaya dagaalo xoogan oo u dhexeeya ciidamada huwanta ah iyo ururka Alshabaab.

Xaafado kamid ah magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa inay u suurtogashaay ciidamada huwanta inay gacanta ku dhigeen kadib markii saaka waaberigii ay ciidamo ka soo degey maraakiib dagaal ay gudaha u galeen qeybo kamid ah magaalada Kismaayo.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan hase yeeshee waxaa la soo sheegayaa in hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.

Ciidamada Kenya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay ka wadeen magaalada Kismaayo duqeyn xagga cirka iyo badda ah waxaana haatan uu dagaalku gaaray gudaha magaalada Kismaayo.

Shacabka ku haray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in aysan garanayn meel ay u dhaqaaqaan ayna albaabada xirteen oo qura kadib markii saaka lagu waabariistay rasaas ka dhacaysa gudaha magaalada Kismaayo.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here