Dowlada Jabuti oo beenisay in askar ciidamadeeda ka tirsan Muqdisho lagu dilay

Dowlada Jabuuti ayaa beenisay war dhawaan kasoo baxay Al Shabaab oo sheegayey in dagaaladi dhawaan ka dhacay degmada Heliwaa lagu dilay laba askari oo ka tirsan ciidanka milatariga Jabuti.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan ciidanka Jabuuti ee jooga Soomaaliya wali soo dhameystirmin isla markaana aysan wali bilaabin howlgalka nabad ilaalinta sidaasi daraadeedna Al Shabaab ay ka been abuurteen.

Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay hadalada Shabaab ee ka dhanka ah ciidamada Jabuuti isaga oo tilmaamay in ay tahay marki labaad oo ay Al Shabaab been ka sheegayaan ciidanka Jabuti.

Bishi Janaayo ee aanu kasoo gudubnay ayey aheyd marki Al Shabaab ay ku eedeeyeen ciidamada Jabuuti in ay duqeymo ku dileen wadaado ku cibaadeysanayey masaajidka Al Hidaayaa ee magaalada Muqdisho.

Todobaadkaana saraakiisha Shabaabka ayaa sheegay in ay ku dileen dagaalki Jimcihi lasoo dhaafay ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha laba askari oo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee ka mid ah kuwa AMISOM sidoo kalana ay ku dhaawaceen lix askari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.