Dowlada Iraq oo deeq kaalma ah soo gaarsiiyey Soomaaliya

Dowlada Iraq ee aan walaalaha nahay ayaa soo gaarsiiyey maanta Muqdisho markab wata deeq macaawino ah.

Wasiirki hore ee Beeraha ee xukumadi KMG aheyd, Xuseen Sheekh Maxamuud kulan la qaatay Kabtanka Markab laga leeyahay dalka Ciraaq oo sida macaawino gaaraysa 13,500 mt ton ay soo dhiibtay dowlada Ciraaq. Captanka Markabka Mr.

Khaasim oo ahaa wakiilka dowladda Ciraaq u soo dhiibtay deeqdaan ayaa ku-simaha Ra’iisul wasaaraha u sheegay in deeqdaan ay soo dhiibeen shacabka reer Ciraaq oo uguna talagaleen walaalahooda Soomaaliyeed, ayna jecel yihiin in mar waliba ay garab istaagaan Soomaaliya.

Sidoo kale Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa kormeeray xafiisyada Dekedda si uu ugu kuur galo sida ya u socdaan howlaha Dakada, waxaana uu warbixin ka dhagaysatay Maareeyaha dekedda, Isagoona ka waramay Isbedelka ku yimid dekedda ilaa iyo intii loo magacaabay Maareeyaha Dakada.

“Mudane Ku simaha Ra’iisul wasaare, Dekedda wax badan baa iska bedelay sanado ka hor sidey aheyd maanta waa mid ka wanaagsan, Inkastoo bad xiranka hadda laga baxayo dhaqaalahana soo wanaagsanaan doono, isla markaana Dekeddu ay tahay ilaha dhaqaalaha dowladda”.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa ku simaha Ra’iisul wasaaraha u sheegay in wax laga bedeli doono qaabka canshuuraha looga qaado ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoona horey macaamiisha dekedda wax looga qaadi jirey qaab macmiil ah balse hadda ka dib ay wasaaradu qorsheyneyso in la hirgaliyo qaabka loo yaqaan Tariifada.

Ugu dambeyntii Ku-Simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iney bixiyaan Canshuuraha dowladda si amaanka dalka loo adkeeyo islamarkaana ay ka qeyb qaataan dhisida dalka. Wuxuuna intaasi ku daray in ay muhiim tahay in la bixiyo canshuurta si dalka loo dhiso, Isagoona amaan u jeediyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo runtii u taagan sugida amniga iyo ilaalinta hantida shacabka .

>>>>>DHMAAD<<<<

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here