Dowlada Ingiriiska oo kasoo horjeesatay in cubaqabateynta laga qaado Soomaaliya

Dowlada Britain ayaa kasoo horjeesatay in dowlada KMG Soomaaliya laga qaado  cunaqabateynta dhinaca hubka.

Xoghayaha arrimaha dibada dalka Ingiriiska Wiliam Hague ayaa sheegay in aysan habooneyn in xiligaan la qaado xayiraada xaga hubka ee saaran Soomaaliya.

Wuxuu soo jeediyey in inti la qaadi lahaa cunaqabateynta xaga hubka ee saaran Soomaaliya la xoojiyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee jooga Soomaaliya (AMISOM).

Mr Hague oo hadalkaan jeediyey isaga oo ku sugan dalka South Africa ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay ku qalabeyso AMISOM isla markaana ka taageerto dhinaca maaliyada gaar ahaan ciidamada la rajeynayo in ay kusoo biiraan.

Dhanka kalana Wiliam Hague waxa uu magaalada Cape Town kula kulmay xalay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi South Africa, isaga oo uga xog waramay shirka London ka dhacaya bishaan ee loogaga hadli doono Soomaaliya.

Waxa uu ku sheegay shika London shir weyn oo Somaaliyana loogaga taageeri doono dhinacyada amaanka, iyo dib u dhiska.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.