Dowlada Ingiriiska oo £20 million oo gargaar degdeg ah u fidinaysa Somaliya

Dowlada Ingiriiska ayaa ku bixinaysa lacag dhan £20 million oo ah gargaar degdeg ah oo la siinayo deegaanada laga xoreeyo ururka Alshabaab sida ay daabacday wargeyska Daily Telegraph.

Gargaarkan ayaa lagu wadaa in lagaga dhowaaqo kulanka caalamiga ah eelagu wado in berito lagu qabto magaalada London ayna ka qeybgalayaan inkabadan afartan dal iyadoo kulankan loogaga hadli doono mustaqbalka dalka Soomaaliya.

Qarashkan ayaa waxaa loo qorsheeyey in wax loogaga qabto arrimaha deegaanada soo galay gacanta dowlada sidii loo sugi lahaa ammaanka, daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada aasaasiga ah.

Xoghayaha u qaabilsan Britain horumarinta caalamiga ah Andrew Mitchell ayaa rajo ka muujiyey sidii dowlada Ingiriiska ay indhaha caalamka ugu soo jeedi lahayd dalka Soomaaliya si gargaar loo siiyo

Wargeyska ayaa sidoo kale daabacay in ay soo baxeen Talaadadii warar sheegaya in dowlada Britain iyo wadamada kale ee ururka midowga Yurub ku bahoobay ay ka fiirsanayaan in aay dayuurado helikobtaro oo ka soo duulaya maraakiibta dagaalka ee badda ku sugan in lagu weeraro xarumaha ay ku leeyihiin xeebaha burcad badeeda iyo saldhigyada ciidamada ee ururka Alshabaab.

Waxaana arrimahan ay ku soo beegmayaan iyadoo maanta ay ciidamada dowlada kumeelgaarka ah oo kaashanaya ciidamada Itoobiya ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyo sidoo kale iyadoo golaha ammaanka qaramada midoobay ay ansixiyeen in ciidamada Amisom la kordhiyo lana gaarsiiyo in ku dhow 18.000 oo askari isla markaana loo fasaxay awood dheeri ah oo ay ku howlgali karaan.

Dadka indhoindheeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay tilmaamayaan in laga yaabo in ciidamada Amisom ay weeraro ku qaadaan labada Shabeelle maadaama loo fasaxay oo la siiyey awood dheeraad ah, taasoo haddii ay gacanta dowlada ay soo galaan labada Shabelle  ka dhigeysa in ururka Alshabaab dhulkii uu xukumayay ay badankood gacantoodu ka baxdo.