Dowlada Federaalka oo aqoonsatay maamulka Sadexda Gobol

sadexda masuulWar Deg Deg ah oo Hadda ka soo Baxay  Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegayaa in Madaxda Dowladda ay si wada jir ah ugu dhawaaqeen in ay aqoonsadeen maamulka sadaxda Gobol Ee la magac baxay Koofur Galbeed Soomaaliya isla Markaana ay tanaasuleen Qoladii wadatay maamulka Lixda Gobol Ee uu Hogaaminayay Madoobe Muunow.

kulan Qaatay Dhowr Maalmood oo ay iskugu soo laab laabanayeen Ergooyinka Labada Maamul iyo Madaxda Sadaxda ah Ee Dalka ugu sareysa ayaa waxaa looga dhawaaqay ugu Dambeyntii Maanta oo 23 06 2014 ah in Maamulka Lixda Gobol la bur buriyay isla markaana uu sharci Noqon doono Maamulka Sadaxda Gobol oo isna KMG Noqo Doona mudo Koobana jiri doona .

Madaxweynaha ,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra,iisul wasaaraha ayaa waxaa ay si wada jir ah ula hadleen Saxaafada waxaana ay sheegeen in ay isku raaceen in maamulka sadaxda Gobol uu si KMG ah Xaruntiisu u ahaato Magaalada Baydhabo isla markaana la saaro Gudiyo soo dhameystira Heshiiska la dhex dhigay Labada Maamul Madoobe Muunow ayaana  tanaasulay iyadoo Maanta xilalka laga qaaday qaar ka mid ah wasiiradii Madoobe Muunow

Wariyaasha ku sugan Xarunta Madaxtooyada ayaa ku soo waramaya in Mas,uuliyiinta labada Maamul ay is gacan qaadeen oo ay ku heshiiyeen in Sadaxda Gobol Maamul ku Eg ay sameestaan iyadoo ay xusid Mudan tahay in Maamulka Shabelle State uu ka jiro Gobolada Shabelooyinka Madaxda Shabelle state ayaana Ra,iisul wasaare Cabdi wali ku Eedeeyay in uu Duminayo Maamulkooda .

Xigasho: KNN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here