Dowlada Britain oo ku wariijisay warqadaha dal ku galka ciyaartooyda Somalia u matali doonta tartanka Olombikada Aduunka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas, Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga, Gudiga Olimbikada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad uu Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya uu viisaha dal ku galka gudoonsiiyay labo ciyaaryahan oo Soomaaliya u mataleysa Tartanka Olimbikada Aduunka ee bishan 27-keeda lagu qaban doono magaalada London ee dalka Britain.

Ra’iisul Wasaare C/wali Gaas ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Ciyaartoy Soomaaliyeed ay ka qeyb galaan tartanka Olombikada Soomaaliyed, isagoo xusay in guul weyn u tahay in Soomaaliya oo daruufo badan ay heystaan in Ciyaartoy u matalaan Tartanka Olimbikada Aduunka.

“Waxaa farxad weyn inoo ah in Ciyaartooyda Soomaaliyeed ay ka qeyb galayaana Olombikada Adduunka, Inagoo aan ognahay in Ciyaartooyda Soomaaliya ay ku tababaranayeen dalkooda oo aad aragtaan duruufaha ka jira, Ciyaartoydu waxay dalka ka duulayaan 17 bishan iyado aan 16 bishana aanu samayn doono qado sharaf aan ku sagootinayno waxaana sharaf noo ah in aan kufaani karno in Ciyaartooydeena ay calanka Soomaaliya uu ka dhex muuqan doono fagaarayasha lagu soo bandhigayo Ciyaaraha kala duwan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Gaas

Sidoo kale Safiirka Britain ee Soomaaliya Matt Bough ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in 16 maalmood kadib uu furmi doono Ciyaaraha Olombikada Aduunka oo aan farxad la qeybsado Soomaaliya iyo Caalamka kalaba.

Matt Baugh ayaa gudoonsiiyay labada ciyaartoy ee Soomaaliya tartanka Olimbikada uga qqeybgalaya viisaha dalka ku galka, isagoo guul u rajeeyay dhalinyaradan, waxaana uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in tartanka Britain uga qeybgalayo Moha Farah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya kuna dhashay meel aan ka fogeyn Caasimada Muqdisho balse heysto dhalasho Britain ah.

Matt Bough ayaa wax laga xumaadu ku tilmaamay masiibadii dhacday 4-tii April Tiyaatarka Qaranka kadib markii qarax lagu qaarijiyay Gudoomihiyii Gudiga Olombikada Soomaaliyo Aadan Yabaroow Wiish.

Labada ruux ee u mateleysa ciyaaraha Olimbikada ee ka socda dalka Soomaaliya oo lagu kala magacaabo Zamzam Maxamed Faarax oo ordeysa orodka 800m iyo 1500 iyo Maxamed Xasan Maxamed oo isna ordaya 1500m.

Ugu dambeyntii Waxaa goobta ka hadlay Wiilka iyo Gabadhii ee Ciyaaraha Olombikada Soomaaliyeed uga qeyb galayo tartanka Ciyaaraha Olombikada Adduunka Waxeyna fariin u direen Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana muujiyay iney natiijo wanaagsan ku soo hoyinayaan Calanka Soomaaliyeed.


 


 


 


 


 


 


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here