Dowlada Britain oo indhaha ku haysa keydka shidaalka ee Somalia

Dowlada Ingiriiska ayaa siineysa gargaar aadanimo iyo kaalmo dhinaca ammaanka ah iyadoo rajo ka qabta inay ka hesho qeyb mustaqbalka shidaalka laga soo saarayo dalka Soomaaliya.

Dowlada Ingiriiska ayaa la gashay wadahadalo qarsoon madaxda dalka Soomaaliya si ay uga dhaadhiciso madaxda Soomaaliya sidii xooga loo saari lahaa waxsoo saarka shidaalka sida ay daabacday The Guardian

R/wasaare David Cameron ayaa toddobaadkii hore waxa uu maalgeliyey shir caalami ah oo loogaga hadlayay arrimaha Soomaaliya isagoo ballanqaaday gargaar iyo inuu gacan ka siiyo xukuumada Soomaaliya sidii loola dagaalami lahaa argagaxisada iyo burcad badeeda.

Shirweynahan  ayaa yimid kadib markii uu booqasho kedis ah ku tegey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya xoghayaha arrimaha dibada ee Britain
William Haig, waxana uu Haig sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu rajo leeyahay.

Waxaa soo baxaya haatan warar sheegaya in dowlad Ingriiska ay si gaar ah u eegeyso mustaqbalka dalka Soomaaliya, iyadoo ay socdaan wadahadalo gaar ah oo ku saabsan shidaalka iyadoo dhowaan sahan lagu sameeyey deegaano kamid ah maamul goboleedka Puntland lagu sheegay in laga soo saari karo shidaal.
Abdulkadir Abdi Hashi oo ah wasiirka u qaabilsan maamul goboleedka Punltand oo dhowaan laga rajaynayo in laga soo saaro shidaalka ayaa sheegay in ay wadahadalo la yeesheen madax ka mid ah UK ayna u ballanqaadeen inay gacan ka siin doonaan maamul goboleedka Puntland sidii loo ilaalin lahaa maareynta lacagta adage e ka soo geli doonta shidaalka. Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay xukuumada Britain ay ku dadaalayso sidii sare loogu qaadi lahaa horumarinta shidaalka laga soo saarayo dalka Soomaaliya.

Dalka Britain ayaa faa’ido weyn  u ah inuu gacan ku yeesho shidaalkan maadaama dalkiisa haatan ay soo foodsaareyso shidaal yari  kadib markii ay sii xumaadeen xiriirka uu la leeyahay dalka Iiran oo ah wadanka labaad ee ugu soo saarka badan saliida wadamada ku bahoobay Opec.

Britain ayaan ahayn wadanka kaliya ee haatan doonaya inuu ka qeybqaato horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Soomaliya, hase ahaatee shirkad laga leeyahay dalka Canada oo lagu magacaabo Africa Oil ayaa ka bilowday qodida saliida Puntland.

Xaashi ayaa sheegay in saliida ugu horeyso la rajeynayo in banaanka loo saaro 20-30maalmood ee fooda nagu soo haysa.

Shirkadda ayaa ku qiyaastay in labo ceel oo kaliya  ay ku jiraan illaa 4bilyan oo fuusto kuwaaso lagu qiimeeyey illaa $500bn shan boqol oo bilyan oo doolarka maraykanka ah sicirka suuqa ee maanta.

Waxaana la sheegay in Puntland laga heli  karo illaa toban bilyan oo fuusto taasoo  ka dhigeysa labaatanka wadan ee dunida ugu sareeysa ee saliida laga helo.

Shirkado isugu jira Chinese iyo Maraykan ayaa la fahamsan yahay inay sidoo kale daneynayaan saliida Soomaaliya iyadoo muddo 20 sano ah markii ugu  horeysey wadanku uu ammaan noqday in laga qodo shidaal.

Madaxda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay rumeysan yihiin in keyd badan oo shidaal ah ay hoos ceegaagaan badweynta Hindiya iyadoo mid kamid ah mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay sheegeen in ay la mid tahay keydka ku jira dalka Kuwait wadankaasoo leh illa boqol bilyan oo fuusto shidaal la sifeeyey  oo keyd ah. Haddii ay dhabowdo keydka saliida ee ku jira Soomaaliya waxa uu ka badan doonaa keydka ku jira dalka Nigeria oo dhan 37.2bn oo fuusto waxana ay dalka Soomaaliya ka dhigeysaa wadanka 7aad ee ugu badan dhinaca saliida ee caalamka.

Shirkadda ay leedahay dowlada Shiinaha ee lagu magacaabo  China National Offshore Oil Corporation  ayaa ka mid ah kuwa daneynaya keydka saliida Soomaaliya. Sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhowdahay in shidaal laga soo saaro Soomaaliya taasina ay ka dhigan tahay in dalal badan oo caalamka ah ay sahamin ka samayndoonaan deegaano kale oo kamid ah dalka Soomaaliya.

Kulankii khamiista kadib ayaa shirkadaha caanka ah ee BP iyo Shell waxa ay soo bandhigeen qorshayaal shaqo loogu abuurayo deegaanada ku yaal xeebaha Soomaaliya.