Dortmund oo si nasiib ku soo baxday

Dortmund oo si nasiib ku soo baxday
Dortmund oo si nasiib ku soo baxday

Kooxda Jermalka Borussia Dortmund, ayaa u soo baxday wareega siddeeda ee horyaalka Yurub iyadoo xittaa laga adkaaday.

Kooxda Ruushka ee Zenit Saint Petersburg ayaa ku adkaatay cayaartii ka dhacday Jermalka 2 iyo 1 balse waxbo uma tarin guushaas oo waxa isku geeyn labada cayaar 5 iyo 4 ku soo baxay Dortmund.

Tababbarraha Jurgen Klopp ayaa ka niyad jabay guuldarada iyo sidda ay u cayaareen cayaartoydiisam wuxuuna ballan qaaday in isbadal uu dhici doono.

Sidoo kale, hadal aan kaas ka fogeyn waxaa sheegay cayaaryahanka Robert Lewandowski, isagoona tilmaamay in kooxda looga baahan yahay in kor isku qaado haddii kale aaney meel gaari doonin.

“Ma ahan cayaar noo qalanta,Waan ognahay in aan u baahanahay shaqo wanaagsan tan, balse arrinta muhiimka kaliya waa in aan u soo baxnay wareegga xigga” ayaa laga soo xigtay isagoo la hadlaya bogga Uefa.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here