Dortmund oo heshay in ka badan 500,000 oo taageerayaal cusub

Kooxda Germalka Borussia Dortmund ayaa shaacisay in ay heshay in ka badan 500,000 oo codsi kuwaasoo ay ku qoran yihiin in ay ka qaybgalaan ciyaarta Fiinalka ee koobka kooxaha qaaradda Yurub UEFA Champions League oo ay la kulmayaan Bayern Munich.

Sarkaal u hadlay kooxda oo lagu magacaabo Jurgen Klopp ayaa laga soo xigtay isagoo leh, wixii ka dambeeyay markii aan 4 iyo seddax ku dhammaatay ciyaartii Real Madrid in kooxda ay heshay taageero xooggan.

Kooxda  Borussia ayaa la ciyaari doonta kooxda ay ku tartamaan horiyaalka Germalka ee  Bundesliga, taasoo labadii ciyaar ee semi-finals-ay ka badisay kooxda Barcelona.

Maamulaha suuq gaynta kooxda Carsten Cramer  ayaa saxaafadda u sheegay in kooxda ay ku faraxsan tahay heerka ay maanta ay joogto, iyadoo uu sheegay in dunida ay ka kasbatay taageerayaal cusub,

“Waxaa so codsatay Tikit-ka ciyaartan, gaar ahaan kooxda Dortmund in ka badan 500,000 qof kuwaas noo sheegay in ay taageero u yihiin kooxda waa tallaabo sharraf leh oo aan sameenay 10-kii sanno ee la soo dhaafay.

Hans-Joachim Watzke ayaa wuxuu ka mid yahay saraakiisha kooxda wuxuu sheegay in tani ay tahay guul wayn oo kor u qaadi kara sharrafta kooxda.

Waa markii -seddaxaad oo tartanka Fiinalka lagu qabto seddaxdii sanno ee la soo dhaafay, waxaana tartanka koobka uu dhici doono habeen Sabti ah oo bisha ay ku beegan tahay bisha May 25-keeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here