Doowladaha UK iyo UAE oo lacago ugu deeqay Haweenka Soomaaliyeed ee Kufsiga loo geystay

Doowladaha Ingiriiska iyo imaaraadka Carabta ayaa lacag dhan £2 milyan ugu deeqay haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kufsiga loo geystay.

lacagtan ayaa waxa si wadajir ah ugu dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain William Hague iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdallah bin Zayed al-Nahyan.

Sheekh Khalifa bin Zayed Al-Nahyan, oo booqasho ku gaaray magaalada London, waxa uuna wadahadalo ku saabsan xaalada Soomaaliya iyo sida loo caawin karo Haweenka Kufsiga lagula kaco layeeshay masuuliyiinta wadanka Britan.

Hadal qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska arrimaha dibedda ee Britain ayaa lagu sheegay in dowladda federalka ee Soomaaliya ay si cad u sheegtay inay ka go’an tahay inay horumariso nolosha haweenka Soomaaliya, iyada oo ka hadleysa dhibaatada kufsiga iyo sidii loola dagaallami lahaa isla markaana caddaalad loo horkeeni lahaa dadka dambiyadaasi xun geysta.

Imaaraadka iyo UK ayaa labadoodaba miin Hal milyan bixinaya, waxana lacagtaan loogu talagalay, arrimo ay ka mid yihiin tababaro, awoodda oo la dhiso, iyo talooyin ka soo bixiyaan koox khubaro ah oo Qaramada Midoobay ka soocota oo booqaneysa dalka sanadkan dhammaadkiisa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here