Doowladaha Iran Iyo Yeman Oo Lagu Eedeeyay Ineey Hub Ku Taageeraan Al-shabaab

Kooxda QM uqaabislan kormeerida cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa sheegeysa in kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ku sugan ay hub ka helaan shabakado ku xiran dalalka Iran iyo Yeman, sida ay wakalada wararka ee Reuters kasoo xigatay diblomaasiyiin.

Iyadoo doowlada mareeykanka ay dooneeyso sidii loo qaadi lahaa cunaqabateynta QM ee saran Soomaaliya, ayaa kooxda u qaabilsan QM ineey kor kala socoto cunaqabateynta waxay kusoo warameysaa in kooxda mintidka ah ee Al-shabaab ee ka howlgala geeska Afrika ay hub ka helan shabakado ku xiran dalalka Yeman iyo Iiran.

Kooxdan QM uxilsaaran cunaqabateynta waxay ka walaacsanyihiin xiriirka hubka ee Yeman iyo Iran iyo Al-shabaab u dhaxeeya, waxaana hadalkaan uu soo baxayaa iyadoo Yeman ay weydiisatay Dehran in ay joojiso taageerada kooxaha hubeysan eek u sugan dalkeeda.

Sida ay wakaalada wararka Reuters kasoo xigatay warbixinta kooxda oo iyagu la socda cunaqabateynta hubka ee saran dalalka Ereteriya iyo Soomaaliya inta badan hubka waxa uu kasoo galaa dhinaca waqooyi ee dalka, taasoo ah dhinaca Puntland iyoSomaliland, iyadoo markaasi kadibna loo soo qaado dhinaca koofurta halkaasoo Al-shabaab ay ku xooganyihiin.

Warbixintan waxaa sidoo kale lagu sheegay in Gal-gaduud oo ah bartmaha Soomaaliya in Al-shabaabku ay heleen hub farabadan oo ay kujiraan waxyaabaha qarxa.

Doowlada Soomaaliya waxa ay dooneeysaa in laga qaado cunaqabateynta hubka oo ay codsatay, iyadoo xoghayaha guud ee QM Baan kii Moon, uu sheegay in 15 dal ee golaha amaanka ay eegaan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee Saaran, si gacan looga siiyo dib u dhiska Ciidankeeda amanka islamarkaasna ay fursad ugu heli lahaayeen in ay la dagaalanto kooxda Al-shabaab.

Warbixinta sida ay qortay arintan waxaa si xoogan u taageersan doowlada Mareeykanka oo dhawaan aqoonsatay doowlada Soomaaliya inkastoo lasheegayo in dalalka qaar ee kujira golaha amaanka aaney dooneeyn balse ay door bidayaan in cunaqabateynta la qafiifiyo oo kaliya.

Golaha amaanka ee QM ayaa Soomaaliya cunaqabateynta hubka kusoo rogay sanadkii 1992-dii, si markaasi loo gooyo hubkii xiligaasi ku qulqulayay qab qablayaashii dagalka oo sanadkaasi jagada ka tuuray doowladii milatariga Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ALLAHA unaxariistee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here