Doowlada Sudan oo sii deyneysa dhamaan maxaabiista Siyaasada u xir xiran

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir, ayaa soo saaray qaraar lagu sii deynayo dhamaan maxaabiista u xir xiran Siyaasada.

Cumar Xasan Al-bashiir, mar uu maanta furayay shir ay lahaayeen baarlamaanka wadankaas, ayuu sheegay in doowladiisa ay siiw adi doonto xiriirka kala dhaxeeyo dhamaan qaybaha siyaasada wadankaas, islamarkaasna lasii deyn doono dhamaan dadka u xiran Siyaasada.

“Si aan u xaqiijino arintaas, waxaan amray in lasii daayo dhamaan dadka Siyaasada u xiran, iyo in wada hadalo lagu badalo waxyaabaha laysku hayo” ayuu yiri madaxweyne Al-bashiir.

Al-bashiir, ayaa dhamaan qaybaha siyaasada kala duwan ee wadankaas, ugu baaqay ineey miiska wadahadalka soo fariistaan, si looga doodo waxyaabaha laysku hayo.

Xuduuda labada Sudan:

Madaxweyne Al-bashiir mar uu soo hadal qaaday xiriirka ka dhaxeeya labada Sudan, waxa uu koofurta Sudan ugu baaqay ineey xoojiyaan amaanka dhanka Xuduudka, si loo xaqiijiyo daganaashaha.

Bishii hore, ayay ahayd markii ay doowlada Sudan ay Ciidamadeeda kala soo baxayso xuduudka ka caagan Ciidamada, si loo fuliyo heshiis ay labada dhinac ku kala saxiixdeen, magaalada Addis Ababa, wadanka Ethiopia.

War kasoo baxay Xafiiska madaxweyne Al-bashiir, ayaa lagu shegay in madaxweynaha uu dhawaan booqan doono Jubba, booqashadaan oo noqon doonta tii ugu horeysay uu Cumar Xasan Al-bashiir ku tagi doono Jubba tan iyo markii ay xuriyadeeda ka qaadatay Sudan 2011.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here