Doowlada Soomaaliya Oo Shegtay In Rag Kasoo Jeeda Khaliijka Ay Ka Bar-bar Dagaalamaan Al-shabaab

Diblomaasiga labaad ee Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Sacuudiga Cali Nuur Macalin, ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in dalkiisa laga taageero ka qayb galka shirka lagu qabanayo Riyadh loogana hadli doono la dagaalanka Argagixisada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dalkii uu doonayo in laga taageero arinta ku aadan la dagaalanka Al-shabaab oo uu sheegay in si weyn ay uga soo ifbaxeen dalka Sooamaliya.

Waxa uu cadeeyay in doowlada Sacuudiga ay tahay doowladii ugu horeysay ee la dagaalanta Al-qaacida, waxaana uu ka codsaday in gacan weyn laga siiyo Soomaaliya la dagaalanka kooxaha Aragagixisada.

Wareysi uu masuulkan siiyay jariirada Al-riyaadh, ee kasoo baxda boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in argagixisada kajirta Soomaaliya ay kusii baahayaan gudaha dalka iyo dalalka dariska la ah intaba, waxaana ugu danbeeyay sida uu sheegay dilkii maalmo kahor Garowe loogu gaystay Shiikh Caan ahaa kaasoo wax kusoo bartay dalka Sacuudiga.

Mr. Nuur Macalin ayaa sidoo kale sheegay in ay doowlada Sacuudiga ka doonayaan taageero Caalami ah oo laga gaysto sidii gacan looga siin lahaa doowlada Soomaaliya Ciribtirka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in rag kasoo jeeda wadamada Khaliijka ay ka bar-bar dagaalamaan Al-shabaab, oo ku kacsan doowlada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here