Duulimaadyadii diyaarada Somali Airline dib loo soo celinayo

C/laahi Ciil Mooge Xirsi, wasiirka wasaarada warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka oo hada ku sugan magaalada Stanbul ee dalka Turkiga, ayaa mar uu wareysi siinayay wariyayaasha, waxa uu sheegay in doowlada ay qorsheyneyso in mardhow dib loo howlgaliyo diyaarada Somali Airline.

Wasiirka waxa uu sheegay in diyaarada Somali Airline ay dib u bilaabi doonto duulimaadyadii ay ku tagi jirtay wadamada Caalamka.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmo kahor gaaray dalka Turkiga, ayaa magaalada Mersin ugu qeyb galaya shirk diirada lagu saaray hormarinta duulimaadyada Soomaaliya, waxaana shirkaan ka qeyb galaya sida uu wasiirka warbaahinta u xaqiijiyay masuuliyiin ka kala socota doowladaha Turkiga, Mareeykanka iyo midowga Yurub.

Wasiirka warfaafinta, ayaa maalmo kahor sheegay in doowlada ay ku guuleystay in dib loo soo celiyo adeega Boostada, waxaana hadii ay dhabowdo in dib loo soo celiyo duulimaadyadii diyaarada Somali Airline ay noqoneysaa tallaabo muhiim ah oo ay doowlada horay u qaaday.

Soomaaliya, ayaa hada kasoo kabaneysa dagaaladii iyo dhibaatooyinkii 22ka sano soo socday, waxaana hada wadanka gaar ahaan magaalada Muqdisho ka socda horumar aad u ballaaran.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

2 COMMENTS

  1. “Soomaaliya, ayaa hada kasoo kabaneysa dagaaladii iyo dhibaatooyinkii 22ka sano soo socday, waxaana hada wadanka gaar ahaan magaalada Muqdisho ka socda horumar aad u ballaaran.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here