Doowlada Soomaaliya oo Saxiixday ka hortaga Kufsiga Haweenka

Kadib markii uu shalay soo idlaaday shirka magaalada London, ayaa doowlada Soomaaliya waxay saxiixday kahortaga falalka Kufsiga ah ee lagula kaco Haweenka.

Heshiiskaan, ayaa waxaa doowlada Soomaaliya u saxiixay wasiirada arimaha dibada, ahna Ra’iisul wasaare ku xiigeenka, Marwo Fowsiyo yuusuf Xaaji Aadan, halka dhanka QM ay u saxiixday Zainab Bangura.

Heshiiska labada dhidhac waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo  Marwa Caasha  Xaaji Cilmi oo ka tirsan xildhibaanada kana mid ah haweenka u Ololeeya ka hortagay kufsiga,  Danjiraha Soomaaliya C/llaahi Sanbaloolshe iyo Wasiirka Arrimaha dibada ee Britain William Hague.

Waxaa Soomaaliya mudooyinkii danbe kusoo badanayay falalka Kufsiga ah ee lagula kaco Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo Falalkaas badanaa ay geystaan Ciidamada doowlada Soomaaliya, iyo maleeshiyaad kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ayaa horay u ballanqaaday in doowladiisa ay si adag ula dagaalami doonto falalka Kufsiga ah, waxaana uu sheegay in Ciidii kufsi sameysay lahorkeeni doono sharciga islamarkaasna la toogan doono.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here