Doowlada Soomaaliya oo markale codsatay in QM ay ka qaado cuna-qabateynta hubka

Doowlada Soomaaliya ayaa ka dalbatay golaha amniga ee QM oo maanta kulmaya in ay qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaliya, golaha amniga ayaa haatan waxay yeelanayaan shir ay uga hadlayaan arimaha Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ay Ciidamada Soomaaliya ka hor taagantahay sugida amniga guud ee Soomaaliya, wasiirka waxaa kaluu shegay ineeysan doowlada Soomaaliya la socon hub kayimaada dalka Iran ee lagu xusay warbixin kasoo baxday gudiga QM ee kormeerada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Mr. Fiqi, ayaa sidoo kale sheegay in hadii la qaado cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya ay doowlada awood u yeelan doonto ineey dib u dhisto Ciidamadeeda islamarkaasna ay la wareegaan amaanka guud ahaan dalka.

Inkastoo Mareeykanka uu ogolaaday in la qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, ayaa hadana waxaa jira wadamo waaweyn sida Britain iyo france oo iyagu raba in si tartiib tartiib ah loo qaado xayiraadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here