Doowlada Soomaaliya oo hubkii ugu horeeyay soo dagsaneysa

Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh, ayaa sheegay in doowladiisa ay rajeyneyso in shixnadii ugu horeysay oo hub ah ay soo degsadaan, labada bilood ee soo aadan, kadib qaadistii ay QM qaaday xayiraadi hubka, taasoo saarneyd Soomaaliya 22kii sano ee lasoo dhaafay, Ciidamada doowlada ayaa dagaal kulajira Al-shabaab oo iyagu xiriir toos ah la leh Al-qacida.

Caalamka, ayaa iyagu isha ku haya sida ay doowlada Soomaaliya, u maamusho hubkaan loo ogolaaday iney soo degsan karto, kaasoo u badan hubka fud fudud.

“Waxaan qaadan doonaa masuuliyada ku saabsan sida loo maamulayo hubka naloo ogolaaday” sidaa waxaa yiri madaxweyne Xasan Shiikh, oo wareysi siinayay wakaalada wararka ee Reuters, xili uu ka qayb galayay shirka jaamacada Carabta kusoo gabagaboobay magaalada Doxa, ee dalkaas Qatar, kaasoo diirada lagu saaray Xasaradaha Syria, iyo qalalaasaha Srael iyo Falastiin.

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa sheegay in shixnada hubka ah ee ugu horeysa ay Muqdisho soo gaari doonto labada bilood ee ugu soo horeeya.

Madaxweyne Xasan Shiikh, waxa uu sheegay in doowladiisa ay si wanaagsan uga faa’iideysan doonto hubka loo ogolaaday ineey soo iibsadaan, maadaama ay Ciidamada doowlada dagaal xoogan kula jiraan Al-shabaab.

Inkastoo Mareeykanka uu soo dhaweeyay in xayiraada hubka laga qaado Soomaliya, ayaa hadana waxaa jiray doowlado si taxadar leh usoo dhaweeyay sida Britain iyo France, Al-shabaabna waxay wali awood u leeyihiin ineey qaadaan weeraro waaweyn.

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa dhanka kale sheegay, in Ciidamada doowlada ay u baahanyihiin Hub ah ku sugaan amaanka gudaha dalka Soomaaliya, sidoo kalena mustaqbalka ay u baahanyihiin sidii loo sugi lahaa amaanka xeebta sheer ee Soomaaliya, taasoo ay ragaadiyeen Burcad badeeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here