Doowlada Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jirta Lawareegista maamulista Hawada dalka

Wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciil Mooge Xirsi oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa mar uu saxaafada kula hadlayay garoonka diyaaradaha Aadan Adde, waxa uu sheegay in doowlada ay dadaal ugu jirto sidii ay markale dib ugu hanan lahayd maamulida hawada dalka Soomaaliya, oo ay hada maamulaan shirkado shisheeye oo fadhigoodu yahay Nairobi.

C/laahi Ciil-mooge, ayaa sheegay in doowlada ay hada diyaarineyso dad xirfad uleh ineey maamulaan hawada Soomaaliya, islamarkaasna doowlada aynu walaalaha nahay ee Turkiga ay gacan weyn kasiineyso doowlada arintaan.

Ciil-mooge, ayaa tilmaamay in mardanbo aysan dhici doonin in hay’ado  shisheeye ay gurtaan canshuurta hawada Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in dowladu ay ku hawlan tahay soo nooleynta shirkadii duulimaadka Soomaaliya ( Somali Airline) oo uu sheegay iney ahayd astaanta qaranka Soomaaliyeed.

Tan iyo 1991 markii ay bur burtay doowladii dhexe ee Soomaaliya, waxaa hawada Soomaaliyeed maamulayay hay’ado hoos taga QM midoobay fadhigooduna yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasoo qaadanayay lacagaha Canshuuraha ee laga qaado diyaaradaha Isticmaala hawada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here