Doowlada Qatar oo bayaan kasoo saartay weerarkii Shalay Muqdisho ka dhacday

Sida ay qortay wakaalada wararka u faafisa dalka Qatar ee (QNA, doowlada Qatar ayaa si aad iyo aad ah u cabaareeysay weerarkii shalay Muqdisho lagula bartilmaameedsaday Samafalayaal kasoo jeeda wadankaas oo howlo gar gaar u yimid gudaha Soomaaliya.

Ugu yaraan 11 ayaa shalay (Axad) dhimatay kadib markii uu ruux watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu isku qarxiyay Isgoyska KM4 oo ah meel aad u mashquul badan.

Weerarkii shalay ayaa lala bartilmaameedsanayay gaariga wasiirka arimaha gudaha, balse xiligaas ma saarneen, waxaase la socday wafdi kasocday dalka Qatar oo samafalayaal ah.

Samafalayaasha Qatar, ayaa saarnaa gawaarida qafilan ee aan Xabadu Karin, mana jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray.

“Doowlada Qatar waxay si xoogan u canbaareeynee weerarkii foosha xumaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho…” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaarada arimaha dibada dalka Qatar.

Sidoo kale bayanka kasoo baxay doowlada Qatar, waxaa lagu yiri “..doowlada Qatar waxay si xoogan u canbaareeyneeysaa dhaman falalka lidiga ku ah amaanka, waxayna taageero hiil iyo hoo ahba la garab istagi doontaa doowlada Soomaaliya oo hada dadaal ugu jirta nabad kusoo dabaalida amaanka iyo daganaashaha dalka…”

Sidoo kale bayaanka kasoo baxay Qatar waxaa lagu sheegay, in kala duwanaashaha Afkaarta iyo caqiidooyinka aan marnaba mar marsiyo looga dhigan Karin wixii shalay Muqdisho ka dhacay, oo ahaa in la laayo dad aan waxbo galabsan oo masaakiin ah, waxayna doowlada Qatar Caalamka ugu baaqday in la taageero doowlada Soomaaliya.

Weerarkii shalay ayaa imaanaya kahor 2 maalin shirka London, kaasoo xooga lagu saari doono sidoo doowlada Soomaaliya looga taageeri lahaa dhanka amaanka iyo dhaqaalaha.

In kabadan 50 doowladood, hay’ado Caalami ah, Ururo ayaa lagu wadaa ineey kasoo qayb galaan shirka London kaasoo beri Talaado ah  kafurmaya wadanka Ingiriiska, waxaana shir gudoomin doona madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha UK Devid Cameron.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here