Doowlada Oo Xaruumo Caafimaad Ka hirgalineysa Gobolada Dalka

Wasiirada arimaha bulshada, Marwo Maryan Khaasim Axmed, ayaa sheegtay in wasaarada ay hormuudka katahay qorsheeyneeyso Sanadkaan sidii xaruumo Caafimaad looga hirgalin lahaa qaar kamid ah gobolada dalka.

Wasiirada, ayaa sheegtay in qorshaha ugu weyn ee wasaaradeeda xooga saari doonto sanadkaan ay tahay sidii dadka ku nool gobolada dalka u heli lahaayeen adeegyo Caafimaad.

Dhanka kale, Marwo Maryan Khaasim, ayaa soo hadal qaaday dhanka Isboortiga, waxayna amaan iyo hanbalyo usoo jeedisay wiilasha kubadda Koleyga oo iyagu guulo taariikhi ah kasoo hooyay tartankii Zone 5, ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Daarusalaam ee wadanka Tanzania.

Tan iyo wixii ka danbeeyay dowladii dhexe ee dalka waxaa meesha ka baxay guud ahaan adeegyadii danta guud waxaana soconaya haata dedaalo dowladda Soomaaliya ay ugu jirto soo celinta guud ahaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here