Doowlada oo sheegtay ineey Lacag cusub soo sameysaneyso

Doowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay ineey qorsheyneyso in lacag shilinka Soomaaliga ah oo cusub ay keeneeyso dalka, lacagtaasi ama ha noqoto mid horay loo daabacay ama mid haatan la daabacayo, si wax looga qabto sicir bararka xoogan ee kajira dalka, taasoo ka dhalatay lacagta shilinka Soomaaliga ah oo suuqyada kasii yaraaneysa iyo doolarka oo isna si xoogan dalka kusoo galaya.

Wasiirka Maaliyada ee Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan, oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa waxa uu sheegay in doowlada Soomaaliya ay wado qorshe deg deg ah oo arinkaasi wax looga qabanayo.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in maamulka Puntland, uusan u madax banaaneen in lacag cusub ay soo daabacdaan, balse ay wada qorsheeynayaan sidii wadanka oo dhan lacag isku mid ah loogu soo daabici lahaa.

Maxaa sababay Sicir bararka?  

Wasiirka Maaliyada xukuumada Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan, ayaa sheegay in sicir bararka kajira qaybo kamid ah wadanka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, ay sabab u yihiin, dadka badankooda oo mushaaraadka ku qaata lacagta doolarka ah, iyo sidoo kale lacagaha dibada laga soo diro, taasoo sababtay in suuqyada ay ku yaraato lacagtii shilinka Soomaaliga.

Sidoo kale wasiirka, ayaa sheegay in Nabadda magalada kusoo laabatay iyo dadka Soomaaliyeed ee qurbaha kayimid, islamarkaasna wadanka soo galiyay lacag badan oo doolar ah, ay sababeen qiima dhaca doolarka iyo sicirbararka.

Sidoo kale soo laabashada hay’adaha QM oo awalkii hore daganaa magaalada Nairobi, ayaa iyana qayb ka ah in magaalada ay soo gasho lacag farabadan oo doolar, taasoo iyana qayb ka ah sicirbararka iyo hoos udhaca sarifka doolarka.

Ganacsatada iyo doorka ay ku leeyihiin hoos udhaca Sarifka:

Ganacsatada waaweyn qaarkood ayaa iyagu lagu eedeeyaa ineey saameyn weyn ku leeyihiin hoos udhaca kuyimid qiimaha Sarifka, iyagoo mararka qaarkood suuqdayada kusoo daaya lacagta shilinka Soomaaliga, mararna yareeya, taasoo u muuqata ineey dantooda uun ka fiirsadaan, iyagoo aanan eegeeyn dhibaatada iyo saameynta ay ku yeelaneeyso shacabkan masaakiinta ah ee mudo lasoo daalaa dhacayay dagaalada iyo abaaraha.

Ugu danbeyntii wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay aad ugu mashquulsanyihiin sidii wadanka loogu soo daabici lahaa lacag cusub oo shilin Soomaali ah, si wax looga qabto dhibaatada hoos udhaca sarifka iyo sare ukaca ku yimid maciishada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here