Doowlada oo markii ugu horeysay xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle dilay Wariye

Maxkamada ciidamada qalabka sida, ayaa maanta markii ugu horeysay waxay xukun dil toogasho ah ku fulisay, gacan ku dhiigle horay u dilay wariye, Xasan Yuusuf Absuge, gacan ku dhiiglahaan manta la qisaasay, ayaa isna lagu magacaabaa Aadan Shiikh cabdi Shiikh.

Maxkamada Ciidamada qalbka sida oo u fariisatay dacwada loo haystay gacan ku dhiiglahan dilay wariye Absuge, ayaa maarkii danbe waxaa loo helay marqaatiyaal ku cadeeyay inuu ahaa qofka sida tooska ah u dilay wariye Absuge.

C/llaahi Maxamed Muuse “keyse” oo ka tirsan garsooreyaasha maxkamada ayaa sheegay in dhageysiga dacwadaha loo haystay labadan wiil uu ahaa dil ay u geysteen Wariye Xasan Yuusuf Absuge.

waxa uuna sheegay in dilka Wariyaha lagu helay Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen kadib markii la helay mirqaatiyaal dambigii uu galay laguna xukumay dil.

Waxaa xusid mudan in maxkamada Ciidamada qalabka sida ay tahay markii ugu horeysay ay dil toogasho ah ku fuliso, xubin katirsan Al-shabaab, islamarkaasna dil ugeystay wariye kahowlgala Idaacadaha Muqdisho.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu qatarsan ee lagu ugaarsado wariyayaasha, waxaana sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya ladilay 18 wariye, manajirin qof loo soo qabtay dilalkaas, ama loo maxkamadeeyay, marka laga reebo gacan ku dhiiglahaan ay maanta maxkamada Ciidamada qalabka sida ku riday xukunka dilka ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here