Doowlada oo magacaawday Safiiro Cusub Sawiro

Doowlada federaalka Soomaaliya, ayaa diblomaasiyiin dhawaan ku sugnaa wadanka South Afrika, islamarkaasna soo qaadanayay koorso ku aadan aqoonkororsi la xiriira diblomaasiyada, ayaa hada u magaawday ineey Safiiro ka noqdaan dalal kala duwan oo Caalamka ku yaala.

Diblomaasiyiinta Soomaliyeed ayaa waxaa  tababar uga socday Wasaaradda xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee dowlada South Africa, xili ay ku guda jireen tijaabada habka looga khudbeeyo shirarka UN-ka , kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga .

Doowlada ayaa ilaa 9 safiir ukala magacaawday dalal kala duwan, waxayna kala yihiin dalalkaas, Switzerland, France, Russia, Dr. Congo, Madagascar, Canada, Brazil, India iyo Finland.

Doowladaha Brazil iyo Dr Congo, ayaysan Soomaalidu ku badneyn, laakiin 7 dal kale ee soo haray, ayaa ah meelo ay Soomaalidu aad ugu badantahay

Dhanka kale Ergeyga gaarka ah ee  Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Philip Mahiga oo shalay ku booqday diblomaasiyiinta Soomaliya ee tababarka uga socdo Wasaaradda xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee dowlada South Africa, xili ay ku guda jireen tijaabada habka looga khudbeeyo shirarka UN-ka , kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga .

Ambassador Mahiga oo dhageystay  khudbadaha qaar ka mid ah diblomaasiyiinta ay jeedinayeen ayaa aad ula dhacay habka ay u kala matalayeen dowlado ku muransanaa dabar goynta dhirta , waxaana mid waliba uu daafacayay mowqifka dowladiisa, waxaana uu yiri “Waxaa farxad ii ah in aan arko jiil cusub oo diblomaasiyiin Soomaali ah oo matali kara, una howlgali kara danaha wadankooda, waxay tani qayb ka tahay  mira-dhalka lixda tiir ee saldhigga u ah qorshaha siyaasadda dowladda cusub oo caalamka ku  yeelatay saaxiibo fara badan”.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here