Doowlada oo ka hadashay qaraxyadii maanta

Madaxweynaha doowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta xaflad kaga qayb galay degmada Deyniile ayaa si kulul u canbaareeyay qaraxyadii maanta Muqdisho ka dhacay oo ay ku geeriyoodeen dad rayid ah oo aan waxbo galabsan.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in weerarka kadhacay KM4 lagu bartilmaameedsaday dad ineey samafal u sameeyaan umada Soomaaliyeed u yimid oo ahaa wafdi Carbeed,  laakiin aysan cidna wax ku noqon balse dad shacab Soomaaliyeed ay ku halaagmeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmahaanba ay amaanka sugayeen islamarkaasna ay ogaayeen in qaraxyo ay Al-shabaab magaalada ka geeysanayaan, sidoo kale waxa uu sheegay ineey jiraan qaraxyo la fashiliyay.

Qaraxyada Maanta ka dhacay muqdisho ayaa Imaanaya maalin uun kadib markii dib loo furay wadooyinka muhiimka ah kuwaasoo xirnaa mudo 4 malmood ah, iyadoona madaxda doowlada ay ku macneeyeen in la adkeeynayay amniga Caasimada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here