Doowlada oo Jawaab kulul ka bixisay dhaleeceyn kaga timid Cali Khaliif Galeyr

yariisowAfhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisoow oo wareysi siinayay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayuu ka hadlay eedeymo loo soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Ururka Al-shabaab.

Eng. Yariisoow oo eedeyntaas ka hadlayay, ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Cali Khaliif Galeyr, oo xubin ka ah Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu usoo jeediyay inuu cadeyn buuxdo u keeno eedeynta uu M/weynaha usoo jeediyay, hadii kalena uu raali galin buuxdo ka bixiyo.

“Waxaa nasiib darro in Xilibaan Cali Khaliif Galeyr iyo siyaasiyiin kale iney si khaldan wax ku raadinayaan, ineey siyaasadeeynayaan waxyaabaha qaarkood, waa Xilibaan Qaran waxaana laga rabaa in edeymaha nuucaas oo kale ah inuu u keeno cadeymihii” sidaa waxaa yiri afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisoow.

“Waxa kalifay inuu saas u hadlo shaqsiyada uu yahay uun beey cadeyneysaa, shaqsi ku guul dareystay siyaasada, marka waxay ahayd inuu sugo waqtigiisa 4ta sano kadib ee mahan inuu hadalada nucaas oo kale waqtigaan ku hadlo” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.

Cali Khaliif Galeyr iyo Cali Maxamed Geedi, oo labadaba horay R/wasaarayaal uga soo noqday doowladihii dalka soo maray ee KMG ahaa, ayuu eedeyn dusha uga tuuray Eng. C/raxmaan Yariisoow, oo ah afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana uu ku tilmaamay siyaasiyiin ku fashilmay siyaasada Soomaaliya.

Digniin ayuu u diray siyasiyiintaas afhayeenka, isagoona dhinaca kale sheegay in doowlada ay soo dhaweyneyso cid kastoo dooneysa ineey lahadasho oo qaab wanaagsana usoo marta cabashada ay qabto.

“Cali Khaliif Galeyr iyo Cali Maxamed Geedi waa dad si khladan oo aan si sax ahayn u hadlay, waa kuwa aan eeda dhusha ka saareyno oo ku fashilmay siyaasada Soomaaliya” ayuu yiri Eng Yariisoow.

Cali Khaliif Galeyr ayaa maalmo kahor mar uu wareysi siinayay mid kamid ah Telefeshinada ku hadla Afka Soomaaliga waxa uu M/weynaha ku eedeeyay in arimaha Jubooyinka uu xiriir dhow kala sameeyay Al-shabaab, islamarkaasna uu hayo cadeyn in Madaxweynaha iyo Saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo xiriir sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here